Home  |  Armory  |  KeyArena  |  Marion Oliver McCaw Hall  |  Search |  Map  |  Contact  |Seattle Center Facebook Seattle Center Twitter Seattle Center Instagram Seattle Center Spotlight RSS Download the Seattle Center Mobile App Seattle Center CenterFlashEmail Sign-up
 
Xarunta Seattle (Seattle Center) Services

Waxa aanu nahay meesha waddanka ugu wanaagsan ee la isugu yimaaddo. Iyado ay na taageerayaan dadka reer Seattle, waxaanu nahay guriga ururrada dhaqanka iyo tacliinta, kooxaha ciyaaraha, dabbaaldegyada, barnaamijyada bulsho iyo meelaha maaweelada ee ugu fiican. Waxa jiritaankayagu yahay in aanu ka farxinno oo kor u-qaadno niyadda qof kasta oo isla markaana isukeen keena sida bulsho qani ah oo kala duwan.

Adeegyada Xarunta Seattle (Seattle Center):

Dhacdooyin

  • Xarunta Seattle (Seattle Center) waxay soo saarta barnaamijyo maaweelo oo tayo leh oo bilaash ah ama khrash yar oo loogu tala-galay bulshada waxayna marti gelisaa dhacdooyin iyo bandhigyo ka badan 5,000 sannad walba.

Dabbaaldegyo iyo Damaashaad

  • Xarunta Seattle (Seattle Center) waxay soo bandhigta isu imaadyo badan oo isu keena bulshada si ay ugu dabbaaldegan farshaxan, muusik, cunto iyo dhaqan. Dabbaaldegyada ugu weyn sannadkii waxa ka mid ah Northwest Folklife, Seattle International Children’s Festival, Bite of Seattle, Bumbershoot iyo Seattle Center Festál.

Meelo

  • Waxa jira lix goobood oo la ijaaran karo muddo gaaban.
  • Waxa jira toban meelood oo dhaqan – masraxyo, meelo tababar iyo matxafyo oo awood u siiya ururrada degan inay soo bandhigaan farshaxankooda.

Monorail-ka Xarunta Seattle (Seattle Center Monorail) iyo Meesha Baabuurta la Dhigto

  • Meela badan oo baabuurta la dhigto ayaa jira agagaarka dhismayaasha iyo dhulka ku xeeran xarunta ama Monorail-ka labo daqiiqadood buu qaataa marka magaalada hoose aad ka soo raacdid.

Goobaha Dad-weynha iyo Kuwa Cagaaran

  • Dhismayaashsa iyo dhulka ku xeeran xaruntu waa 74 hektar oo leh wax ka badan 24 hektar oo ah goobo bannaan oo ay ku jiraan ilo-biyo kor u-gana, beero iyo jardiino.

La xiriir:
Wixii macluumaad guud ah, la xiriir Adeegga Macmiilka (Customer Service) 206-684-7200 ama shakhsi ahaan aad dabaqqa 3aad ee Xafiiska Macluumaadka ee Guriga Xarunta (Center House)
Saacadaha Shaqada: Isniin-Jimce, 8:30 subaxnimo – 5:00 galabnimo

Cinwaanka Waraaqaha lagu soo diro:

Seattle Center, 305 Harrison Street, Seattle, WA 98109

 

 
 
About Seattle Center

Seattle Center creates exceptional events, experiences and environments
that delight and inspire the human spirit to build stronger communities.
Seattle Center Accommodations for people with disabilities provided on request.
Mayor Edward B. Murray, Director Robert Nellams
Copyright © 2014 City of Seattle, Seattle Center. Privacy Policy
Customer Service: (206) 684-7200 / TTY: 7-1-1
Seattle Center, 305 Harrison Street, Seattle, WA 98109
Seattle Center Foundation